Heemaal News Network
somali

Wiilka Madaxwayne Musavani Oo Lagu soo Oogay Dacwad Qaran-dumis ah.

Maxkamadda dastuuriga ah ee Uganda ayaa weeydiisay wiilka madaxweynaha dalkaasi Jeneraal Muhoozi in uu ka jawaabo eedeymo loosoo jeediyay oo ah in uu ku jiro dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed xilli uu hayo xilka ugu sareeya ee ciidamada dalkaas.

Garyaqaan xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Gawaya Tegulle ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad sheegaysa in Muhooza uu ku jiro siyaasadda, isaga oo islamarkaasi ah taliyaha guud ee ciidamada, taas oo uu sheegay in aysan ahayn mid sharci ah.

Wuxuu doonayaa in lagu soo oogo dacwad qiyaamo qaran ah, maadaamaa uu ku dooday garyaqaankan in uu qiyaamayo aabihiis, doonayana in uu ku xilka kagala wareego aabihiis siyaabo sharci daro ah ama qiyaamo ah.

Jeneraal Muhooza ayaa dhowaan ku dhowaaqay in uu bilaabayo olole siyaasadeed, waxaana la isla dhexmarayaa hadal hayn ah in uu qorsheynayo in uu aabihiis xilka ka dhaxlo.

Musavani ayaa horey u beeniyay in uu wiilkiisa u diyaarinayo in uu dhaxlo, waxuuna wiilkan xilka ciidanka iska casilay 8-dii Maarso, balse waxaa arrintaasi ka diiday aabihiis.

Related posts

Ciidamada Ukraine Oo Gubay Markab Uu lahaa Ruushka Oo Hub Siday(Sawiro)

Heemaall

Soomaliya Oo La Filayo In Ay Ka Go’do Afrika Qaarad Kalana Noqoto

Heemaal

Somaliland Oo Mar kale Joojisay Mashaariicda Hay’adaha UN-ka ka Fuliso.

Heemaall