Heemaal News Network
somali

Xaflad Aroos Oo Mar kaliya Isku Bedeshay Argagax Iyo Dhiig.(Sawirro)

Lix qof oo rayid ah ayaa la dilay tiro kalana waa la dhaawacay kadib markii hoobiye uu ku habsaday guri ay ka socotay xaflad aroos, sidaasina waxaa Axadda maanta ah sheegay saraakiisha amniga afghanistan.

Qaraxa oo ka dhacay degmada Tagab ee waqooyiga gobolka Kapisa, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Afghanistan iyo kuwa Taliban.

Afhayeenka booliska gobolka, Shayeq Shoresh, ayaa ku eedeeyay kooxda Taliban in ay soo gantay hoobiyaha, wuxuuna intaa ku daray in ugu yaraan lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur la dilay halka afar kalena la dhaawacay.

Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan waaxda amniga ee Kabul ayaa tirada dhimashada ku sheegay ugu yaraan 10 qof, iyo 18 dhaawac ah.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa eedda iska fogeeyay waxaana uu sheegay in hoobiyaha ay tuureen ciidamada amniga oo la dagaalamayey xoogag ka tirsan kooxdaasi.

Related posts

Golaha Wasiirka Puntland Oo Anisixiyay Xeer Cusub.

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Ganacsatada Somaliland ka Dalbatay Lacag Lagu soo Iibiyo Talaalka Covid 19.

Heemaall

UN. EU. AU IGAD Oo War Wadajir Ah Ka Soo Saaray Khilaafka Doorashada

Heemaal