Heemaal News Network

Xal Laga Gaadhay Khilaafka Doorashada Soomaliya

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in guddigii farsamo ee ka kala socday dowlad goboledyada, dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir ay xal ka gaareen khilaafkii doorashada Soomaliya.

War qoraal ah oo ay soo saareen guddigii ka koobnaa dhinacyadaas ayay ku sheegeen in kullamadii dhacay maalmihii lasoo dhaafay diiradda lagu saaray xal u helidda arrimaha kala ah cabashada laga muujiyay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada dumarka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada.

Waxaa kale oo ay sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan arrimihii khilaafkii ka taagnaa, waxayna intaa raaciyeen in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan.

Guddiga ayaa 18-ka bishan ugu baaqay madaxwaynaha, raiisulwasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada inay isugu yimaadaan kullan lagu saxiixayo wixii lagu heshiiyay.
Inkastoo guddiga aanu fahfaahin ka bixinin wixii laga heshiiyay, gaar ahaan arrimihii ugu darnaa oo ay kamid tahay arrinta Gedo ayaa haddana dhankale waxaa muuqata in xalka la gaaray uu soo afjari doonaa culeyskii ka taagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo xilligii ay ahayd inay dhacdo ka dib dhacday.
Hoos ka akhriso War-Saxaafadeed

Baydhabo, Febaraayo 16, 2021; Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul.

Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan:

1-Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga.

2- Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.
3- Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.
4- Adkaynta Qoondada Haweenka
5- Jadwalka qabsoomidda doorashada

Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan.

Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021.

Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada.

Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay.

*Dhammaad*

Related posts

Dowladda Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Magacaawday Somaliya.

Heemaall

Kulamadii R/Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Oo Natiijo La’aan kusoo Dhamaaday.

Heemaall

Shacabka Mandeera Oo Dalbaday in Ciidamada Cabdirashiid Janan Laga Saaro Deegaankooda

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More