Xal Laga Gaaray Shaqo joojin ay ku Dhawaaqeen Shirkadaha Diyaaradaha ka Hawlgala Muqdisho.

Xal ayaa laga gaaray Shaqo joojin ay maanta ku dhawaaqeen Shirkaddaha diyaaradaha ee howlgalla Garoonka diyaaradaha ee Aadancadde ee Muqdisho.

Shaqo joojinta ayaa timid ka dib markii diyaarad aadi rabtay degmada Dollow ee Gedo Ciidanka NISA ay ka joojiyeen Shaqada.

Shir u bilowday Mas’uuliyiinta Garoonka iyo Shirkaddaha ayaa lagu guuleystay in xal buuxa laga gaaro, iyadoo hada shaqadii Garoonka uu dib u bilowday.

Boqolaal rakaab ah oo ku xayirnaa Garoonka ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay ka dhoofaan garoonka.

Waxaa sidoo kale Shirkaddaha diyaaradaha ay soo gudbiyeen cabashooyin dhowr oo ka dhan ah taliska NISA ee garoonka, iyadoo la isku raacay in si wadajir ah wax looga qabto.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy