Xalay Muu Ahayn Habeen U Wanaagsan Taariikhda Kubbada Cagta Aduunka

Xalay muu ahayn habeen u wanaagsan kubadda cagta iyo kulamada waaweyn ee dunida oo dhan lagala socdo, taageereyaal marti loo ahaa oo xamaasad iyo colaad ka buuxdo ayaa weerar ku qaaday laacibiin iyo tababareyaashoodii oo garoonka soo gelaya, iayaga oo gaadhsiiyey waxyeelo balaadhan.

Kulankii ugu weynaa ee dunidu sugaysay usbuucan, waxa uu ciyaarta finalka ee muddada dheer isha lagu hayey ee River Plate iyo Boca Juniors oo ka wada dhisan dalka Argentina oo iskugu soo hadhay finalka tartanka Copa Libertadores, kuwaas oo kasoo kala badiyey laba kooxood oo reer Brazil ah oo midkoodba midda kale la ciyaartay.

Finalka Copa Libertadores waxa la ciyaaraa laba kulan oo guri ka guri ah, ciyaartii hore oo ka dhacday garoonka kooxda kubadda cagta Boca Juniors ayaanay 2-2 ku kala baxeen inkasta oo markaasna hal habeen dib loo dhigay ciyaarta kaddib markii garoonka uu qariyey qiiq iyo jewi aan wanaagsanayn.

River Plate ayaa oo  barbar dhac la soo gashay Boca Juniors laba usbuuc ka hor, ayaa waxay xalay isku diyaarisay in gegideeda El Monumental ay ku soo dhoweyso Boca, hase yeeshee ka hor intii aanay ciyaartooyada dharka buluugga ah xidhan soo gelin garoonka ayaa waxa baskii ay saarnaayeen weeraray taageereyaasha River Plate oo marka horeba boolisku ka cabsi qabeen inay sidan samaynayaan.

Waddada soo gasha garoonka El Monumental ayaa la xidhay, lagana joojiyey baabuurta, si aanay u dhicin dhibaato amaba loo ilaaliyo ammaanka ciyaartooyada, hase yeeshee taageereyaasha oo kumannaan ah ayaa xidhay halka uu basku ka geli lahaa garoonka, waxaanay mar kaliya bilaabeen in wixii gacantooda ku jira ay ku tuuraan baska, taasina waxay keentay dhaawac soo gaadhay tababaraha, hase yeeshee booliska oo isku dayayey inuu badbaadiyo ciyaartoyga ayaa furay sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo qiiq kale, taas oo iyaduna dhibaato ku noqotay ciyaaryahannada.

Laacibiinta Boca Juniors ayaa qaarkood galeen xaalad aan caadi ahayn, waxaana la arkayey ciyaartooyo matagaya oo xattaa ku dhowaaday inay koomo galaan.
Muuqaallo laga soo qaaday qaar ka mid ah ciyaaryahannada ayaa argagax ku riday adduunka oo dhan. qaar ka mid ah ciyaaryahannada Boca Juniors oo ku jira xaalad caafimaad

Xiddigii hore ee Manchester United, Carlos Tevez oo ka mid ahaa ciyaaryahannada Boca Juniors ee xalay saarnaa baska la weeraray ayaa waxa uu tilmaamay in dhacdadani tahay mid fool xun oo ay marar badan samayso River Plate.
Ciyaarta ayaa qorshuhu ahaa inay bilaabanto 11-kii fiidnimo ee xilliga Geeska Afrika, hase yeeshee markii ay arrintani dhacday ayaa dib loo dhigay hal saac, balse haddana waxa lagu wargeliyey inay bilaabmi doonto 1:15 AM xilliga Geeska Afrika, taas oo ugu dambayntii iyaduna qabsoomi weyday.