Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada uu ka dillaacay qeeyba ka mid ah gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Ilaa 207 kiis oo looga shakiyay xannuunkaasi ayaa ilaa iyo hadda laga soo sheegayaa gobollada Dolo iyo Liibaan, waxayna WHO ay sheegtay in la sameynayo baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinaya jiritaanka cudurka, waxyan intaasi ku dartay in baaritaannadaasi lagu sameynaya shaybaar ku yaalla Hawassa.
Deegaanada somalida Itoobiya ayaa isla xannuunkan Dengue horay uga dillaacay sannadihii 2017 iyo 2018.
“Nafaqa yaraanta bulshada oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday iyo barakaca ayaa sabab u ah kiisaska kordhay ee xannuunkan Dengue ee degmooyinkaasi”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay WHO
Hay’adda ayaa hoosta ka xariiqday baahida deg deg ah ee loo qaba in la buufiyo kaneecada oo gudbisa xannuunkaasi.
“Waxaan ku baaqeyna in dowladda ay si waddo doorkeeda hoggaamineed iyo tallaabooyinka lagu hubinaya fayadhowrka caafimaadka dadweynaha si loo joojiyo faafitaanka xumadda Dengue”, ayuu yiri Dr Boureima Hama Sambo oo ah madaxa WHO ee Itoobiya.
Xigasho BBC