Heemaal News Network
somali

Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Baaq kasoo Saartay Xadhiga Musharixiinta Mucaaradka Somaliland.

Xarunta xuquuqal insaanka madaxabanaan ee Somaliland, ayaa booliska ku eedeesay in ay si sharci daro ah u xidheen musharixiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo wariyayaal.

Warsaxafadeed ay xaruntu soo sartay ayaa lagu yidhi “xadhiga musharixiintu wuxu lid ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerka doorashooyinka”.

“Dastuurku waxa uu ogolyahay in muwaadinkasta uu is sharaxo oo uu xisbigu doono iska sharaxo, xeerka doorashooyinku waxa uu xasaanad siiyay musharixiinta oo lama xidhi karo hadii aanay danbi faraha kula jirin”.

“Caga-juglaynya iyo fara-galinta uu booliska Somaliland ku hayo doorashooyinka Somaliland, waxay caqabad ku yihiin mabaadiida asaasiga ah ee doorasho xor ah oo xalaala’.

Warsaxafadeedka ayaa dhinaca kale lagu sheegay in 4 tii bilood ee u danbayay 7 wariye xabsiga la dhigay, waxanay xaruntu sheegtay in xadhiga suxufiyiintu lidi ku yahay dastuurka Somaliland.

Xarunta xuquqal insaanka madaxa banana waxay xukuumada Somaliland ugu baaqaysa in ay xoriyadooda usoo celiso musharixiinta xidhan, isla markaana ay joojiso caga juglaynta ay ku hayso musharixiinta ayaa warsaxafadeedka lagu yidhi.

Waxa jira baaqyo kala duwan oo kasoo baxaya hay’adaha ku shaqada leh arrimaha xuquuqal insaanka iyo doorashooyinka oo xukuumada lagaga dalbanayo in ay xoriyadooda usoo celiso musharixiinta xidhan.

Related posts

Dowladda Somaliya Oo War kasoo Saartay Geerida Abwaan Sooraan.

Heemaall

Ciidamada Mucaaradka Oo Dib Uga Baxay Xarunta Degmada Howlwadaag 0o Ay Caawa Qabsadeen

Heemaall

Muqdisho:-Gabar 11 Jir la La’aa Maalmo Oo Maanta Meydkeeda Laga Dhex-Helay Digsi Lagu Riday.

Heemaall