Heemaal News Network
somali

Xayiraad Lagu soo Rogay Marwada Qarsoon Ee Madaxweyne Putin-ka Ruushka.

Dowladda UK ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay xaaskii hore ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo gabadha hadda lagu tuhmayo inay saaxib la tahay Putin kadib duullaanka Ukraine.

Putin ayaa sanadkii 2014-kii guursaday Lyudmila Ocheretnaya, iyo Alina Kabaeva oo loo yaqaan ‘Marwada Qarsoon’ ee Ruushka kuwaas oo haatan wajahaya xayiraad dhanka socdaalka iyo hantida ee UK.

Tan iyo markii ay kala tageen Putin xaaskii hore Lyudmila Ocheretnaya, waxaa la sheegay inay ka faa’ideysatay xiriir ganacsi oo ay la sameysay hay’adaha dowladda isla markaana ay heysato hanti badan.

Lyudmila Ocheretnaya, ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh Putin, waxayna ka heshaa faa’iido dhaqaal, sida laga soo xigtay Xafiiska Arrimaha Dibadda, ee ururka Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK (FCDO).

UK ayaa haatan in ka badan 1,000 qof ku dartay liiska cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa sheegtay in Britain ay ” adkeynayso xayiraadda ka dhanka ah dadka u dhaw dhaw Putin’

Waxay intaa ku dartay in UK ay sii wadi doonto inay cunaqabatayn saarto dhammaan dadka ka qeyb qaata isla markaana gacan ka geysta gardarrada Putin’ kadib duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Ms Truss ayaa sheegtay in cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka la qaadi doono oo kaliya ah marka dhammaan uu ciidamadiisa kala baxo Ukraine.

Horaantii bishan ayaa la sheegay in Midowga Yurub uu qorsheynayo in uu cunaqabateyn ku soo rogayo shaqsiyaad badan oo Ruush ah, oo ay ku jirto Ms Kabaeva.

Tan iyo markii Ruushka uu gudaha u galay Ukraine 24-kii Febraayo, kumannaan rayid ah iyo dagaalyahanno ayaa la dilay ama la dhaawacay, ilaa 14 milyan oo qof ayaa ka qaxay Ukraine iyadoo in ka badan lix milyan ay magangalyo u raadsadeen dalalka dibadda.

Related posts

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaalada Ridada Dheer

Heemaall

Midowga Afrika Oo wakiil cusub U Magacaabaya somaliya

Heemaall

Abiy Axmed Oo ku Goodiyay inuu Qoran karo Hal-milyan Oo Dagaalyahano ah.

Heemaall