Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga Oo Dalbaday In Deg-deg Xukun Dil ah Loogu Fuliyo Ragii Dilay Wariye Khashogi

Xeer ilaaliyaha dalka Sacuudiga Sheikh Saud al-Mojeb ayaa dalbaday in dil degdeg ah lagu xukumo shan ka mid ah, kow iyo tobbnakii qof  ee gacantooda ku baxay wariye Jamaal Khashoogi.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in ay nimankani cinqaabta ku mutaysteen ku takri fal awoodeed isaga oo sheegay in si axmaqnimo leh loo dilay Jamaal Khashogi , islamarkaana inta sun la duray kadibna cad cad loo jar jaray maydkiisa.

Lix ka mid ah ragii dilka gaysatay ayaa iyaduna xeer ilaalint ku eedaysay in ay ka qayb qaateen dilka.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa arintan aad uga cadhooday iyaga oo sheegay in ay tahay danbi wayn, kaas oo lagu qarinayo ama raadkiisa la masaxayo in dacwad lagu soo oogo cidii amarka guud siisay, fuliyayaasha dilkii wariye Khashoogi, iyaga oo dalbaday in ragan lagu maxkamadeeyo dalka Turkiga.