Heemaal News Network
Caalamka

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Oo Qarka U Saaran Inuu Shaqada Uga Tago Tweeter-ka Trump

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa u sheegay dadka ku dhow inuu ka fiirsanayo inuu ka tago shaqadiisa kadib markii madaxweyne Donald Trump uu iska indho tiray digniintiisa ku saabsanayd inuu ka waantoobo cambaaraynta uu baraha bulshada u kiisaska ay waaxda cadaaladdu gacanta ku hayso.

Waxa ay ahayd todobaadkii hore markii xeer ilaaliye Barr uu si cad u dhaleeceeyey madaxweynaha, waqti uu wareysi siinayay telefishan, isla markaana uu sheegay in xeeladaha Trump ee ku saabsan faragalinta kiisaska waaxda caddaaladda iyo hawl-wadeenada ay yihiin kuwo aan loo dul-qaadan Karin, suurta-galna aan ka dhigayn in uu shaqadiisa guto.

Maalin kadib markii uu hadlay xeer-ilaaliyuhu ayaa madaxwayne Trump oo u muuqda mid iska indho-tiraya codsiga Barr uu bartiisa tweeter-ka ku shaaciyay in uu xaq u leeyahay in uu fara-faliyo kiisaska waaxdaas, kana horyimaado waxa uu u arko in aanay sax hayn

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More