Heemaal News Network

Xeer-ilaaliyaha Somaliya Oo Kulan la Qaatay Wafdi ka Socday Midowga Yurub.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr.Fabian Loewenberg ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Suleymaan Maxamed iyo Dr. Fabian Loewenberg ayaa ka wada hadlay arrimaha hormarinta xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta xeer-ilaaliyaha guud iyo EUCAP.

Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu xeer Ilaliye Suleymaan Maxamed ka balan qaaday uu ka qeyb qaadan doono hirgalinta Istiraatigiyada Xafiiska 2010-2023 ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka

“Wadda sheekaysi iyo is xog weraysi kadib Dr. Fabian Loewenberg iyo annigu waxaan isku af- garanay inay muhiim tahay in la xoojiyo habka hirgalinta Istiraatigiyada 2010-2023 ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayuu yiri Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Related posts

Dowlada Fadaraalka Oo Looga Digay In Ay Bixiso Ruqsadaha Baadhista Shidaalka Somaliya.

Heemaall

Odayaasha Sanaag Oo kasoo Horjeestay Go’aankii Xasaanada Looga Qaaaday 8-da Xildhibaan

Heemaall

Gudoomiyaha ONLF Oo Ka Warbixiyay Khilaaf Ka Dhex-qarxay Xisbigaasi.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More