Heemaal News Network
somali

Xeer Ilaaye dalbatay In Trump Lagu Xukumo Ganaax Maalinle Ah

Xeer-ilaaliyaya guud ee gobolka New York ee dalka Maraykanka ayaa maxkamad ku taalla gobolkaas, ka codsatay in ganaax lacageed oo maalinle ah lagu xukumo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, iyada oo ku eedaynaysa inuu quudhsaday go’aan maxkamadeed oo farayey inuu wakhti xadidan ku soo gudbiyo macluumaad laga rabay.

Xeer-ilaaliye Letitia James, ayaa maxkamadda ka codsatay in madaxweynaha hore lagu xukumo lacag gaadhaysa illaa $10,000 maalintii, taas oo ah xaddi lacageed oo ku khasbi kara madaxweynaha inuu hoggaansamo.

Maxkamadda ayaa hore u fartay madaxweyne Trump inuu soo gudbiyo macluumaad iyo documents, la xidhiidha baaritaan madaniga oo ku socda hab dhaqankiisa ganacsi inta ka horraysa bishii March 31-keedii, hase ahaatee arrintaasi may dhicin.

Trump ayaa ku guda jira rafcaan uu bishii February ka qaatay xukun maxkamadeed, ku khasbayey inuu ka jawaabo su’aalaha dhaarta ee baadhitaanka madaniga ah, laakiin kama uusan dacwoon karayn go’aan u dhigma waqtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inuu ku gudbiyo dukumentiyada laga rabay, ayay tidhi xeer-ilaaliye James.

Fariin falcelin ah ayaa loo diray garyaqaanka u doodaya madaxweyne Trump.

Related posts

RW Rooble Oo Guddoomiyay Shirka Arrimaha Bulshada.

Heemaall

Hargaysa:-Nin Gawracay Gabadh Yar Oo 2 Sano Jir ah Oo Walashii Dhashay

Heemaall

Faah-faahinta:-Ciidamo Milatari ah Oo Wiil Dhalinyaro ah ku Dilay Deg.Qulujeed Ee Awdal.

Heemaall