Heemaal News Network
Soomaaliya

Xerada Ciidanka Jabuuti Ee Gobolka Hiiraan Oo Xalay Weerar Lagu Qaaday

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay weerar madaafiic ahaa lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Militariga Jabuuti ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhawr madaafiic lagu garaacay Saldhiga Ciidanka Jabuuti, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Wararka ayaa intaa ku daraya in daqiiqado ka dib ay Ciidanka Jabuuti kaga jawaabeen madaafiic culus, oo u muuqatay kuwo ay u ridayeen jihadii looga soo tuuray madaafiicda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay hurdada kaga soo kaceen daryanka sawaxanka madaafiicdii, ay is weydaarsanayeen Ciidanka Jabuuti iyo maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Madaafiicdan oo qalqal-geliyay dadka deegaanka ayaa waxaan illaa iyo hadda jirin cid la sheegay inay ku waxyeelooday.

16-kii bishan ayaa sidaan oo kale weerar madaafiic loo adeegsday, ay Shabaabku ku qaadeen Xerada Militariga Jabuuti ku leeyahay xaafadda Hawlwadaag.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More