Heemaal News Network

Xiddigii Hore Ee Ciyaaraha Kubadda Koleyga NBA Oo Qaatay Diinta Islaamka.(Sawirro)

Xiddigii hore ee ciyaaraha NBA-da Maraykanka Stephen Jackson ayaa baraha bulshada ku shaaciyay inuu qaatay diinta Islaamka.

Waxaa uu uga mahadceliyay heesaaga Mareykanka Tone Trump taageeridiisa iyo sidoo kale haweeney reer Canada ah oo hibo u siisay rooga salaada.

Wuxuu sheegay in dilka saaxiibkiis dhow George Floyd uu sidoo kale saameyn ku yeeshay go’aankiisa. ⁣

⁣Wuxuu sidoo kale cajalad muuqaal ah soo dhigay baraha bulshada isagoo aqrinaya iclaamka islaamka ee shahaada.

42 jirkan ayaa baranayey diinta islamaka muddo dhowr bilood ah laakiin haatan si rasmi ah ayuu diinta islaamka u qaatay.⁣

Jackson, oo ka fariistay Xiriirka Kubadda Koleyga Qaranka (NBA) sanadkii 2015 ka dib 14 sano oo uu shaqeynayay, ma ahan ciyaaryahankii ugu horreeyay ee NBA ee diinta Islaamka qaata. Halyey Karem Abdul-Jabbar ayaa qaatay diinta islaamka sanadkii 1968 ka hor inta uusan galin NBA.




Related posts

Ciidanka Booliska Fadaraalka Iyo Gobolada Oo Suga Aminga Doorashda

Heemaal

Kenya Oo Dib U Furtay Goobihii Waxbarashada.

Heemaall

Afhayeenka Beelaha Daarood Oo Dowlada Somaliya Ugu Baaqay In Ay Kenya Iska Difaacdo, Deni Iyo Axmed Madoobe-na..

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More