Heemaal News Network

Xiisad Colaadeed Oo ka Dhalatay Ganacsade Lagu Dilay Buuhoodle Iyo Rasaas ka Socota Caawa.

Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in rasaas ay ka dhacayso magaalada, taas oo ka danbaysey kadib markii la diley nin ganacsatada magaalada ka mid ah.

“Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay nin ganacsade ah, taasina waxay keentay in inta badan magaalada xiisadi ka bilaabanto ganacsigiina xidhmo” sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Maxamed oo aan la xidhiidhnay.

Xiisadan ayaa daba socota dilal todobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ka dhacay oo maalintii shalay la soo gabagabeeyey, iyadoo taageero heshiiskaas ah lagu qabtay magaalada Buuhoodle.

Ilaa hada ma cada qasaare ay sababtay rasaasta danbe ee ilaa hada ka dhacaysa magaalada, iyadoo dadka qaarkii ay sheegayaan in rasaastu u badan tahay mid lagu kala celinayo ciidamo ninka la diley ku ehel ah.

Related posts

QM Oo soo Dhaweeyay Magacaabista Guddiyada Dorashada Ee Puntland Iyo Jubbaland.

Heemaall

Banaanbax Lagu Taageerayo Heshiis Nabadeed Oo Laga Gaaray Dgaal Beelo Ku Dhexmartay Buuhoodle.

Heemaall

Dawlada Itoobiya Oo si Adag Uga Jawaabtay Eedeymo Uga Yimid Maraykanka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More