Heemaal News Network
somali

Xiisad Iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Caawa Laga Dareemayo Muqdisho.

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa caawa laga dareemay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho, kaasoo cabsi iyo shaki badan ku abuuray dadweynaha inkastoo xaaladu degan tahay.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ciidamo taabacsan dowladda oo wata gaadiid dagaal lagu arkay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada sida Isgoysyada ku teedsan Jidka Soddonka.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in DF qorsheyneyso iney weerarto Taliyihii xilka laga qaaday ee Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon uu ka guuray aagga garoonka Aadan cadde ee uu deganaa, saldhigna ka dhigtay xaafadda Shiirkole.

Arrintan ayaa abuurtay hadal heyn badan, inkastoo aanay jirin wax iska horimaad ah, marka laga reebo dhaqdhaqaaqa ciidan.

Ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ka tirsan Haramcad ayaa dib uga laabtay agagaarka Isgoyska Baar Ubax iyo Albaraka oo ku dhow Shiirkole

Waxay arrintan kusoo beegantay iyadoo 24-kii ee lasoo dhaafay la hadal hayey inuu jiro qorshe ay dooneyso dowlada Farmaajo inay ku weerarto Saadaq Joon, kuna soo qabato si xabsiga loo dhigo.

Related posts

Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa Oo si Weyn Loogu soo Dhaweeyay Kampala.(Sawiro)

Heemaall

Kulan Hargaysa Uga Furmay Ex Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Gudoomiye Ciro.

Heemaall

Turkiga Oo Go’aan lama filaan ah ka Qaatay kiiska Dilka Weriyihii Jamal Khashoggi

Heemaall