Xiisad U Dhaxaysa Somaliland Iyo Puntland Oo ka Taagan Deganka Boocane Ee G/Sool.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boocame ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi Maanta ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Puntland & maleshiyaad hubeysan oo taageersan Maamulka Soomaaliland.

Xiisadaan ayaa timid, kaddib markii duleedka magaalada Boocame ee Gobolka Sool, ay isku aruursadeen malayshiyaad hubaysan, kuwaas oo doonaya inay Magaalada Boocama kala wareegaan Ciidamada Puntland.

Dadka Magaalada Boocame ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay siweyn Maanta u dareemayaan xisiada dagaal e u dhaxeysa Ciidamada Puntland & maleeshiyaadka hubeysan ee taageersan Soomaaliland.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka sool weli kama hadlin xiisada dagaal ee u dhaxeeysa Ciidamada puntland iyo maleeshiyaadka hubeysan, hayeeshee waxaa xusid mudan degaano ka tirsan gobolka sool ay horay ugu dagaalameen Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland, iyaga oo weli isku hor-fadhiya degaanka Tukaraq ee Gobolkaasi Sool.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy