Heemaal News Network
somali

Xildhibaan Beenaale ku Tilmaamay Madaxweynihiisa Oo Xabsiga la Dhigay.

Xildhibaan Jean-Bosco Assamba oo katirsan Baarlamaanka dalka Cong DR, ayaa loo xiray dhaleeceyn uu u jeediyay Madaxweynaha dalkaasi , waxaana dhacdadan hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalkaasi.

Jean-Bosco Assamba, oo kamid ah Xildhibaanada ugu caansan Baarlamaa nka Congo DR ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Felix Tshisekedi, uusan waxbo ka qaban xaalada amaan daro ee kusoo korortay Bariga Dalka Congo, waxa uuna Madaxweynaha ku sifeeyay Beenaale.

Xildhibaankan ayaa sidoo kale Muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay si kulul wax uga sheegay Madaxweynaha Congo DR taa oo keentay in Madaxweynaha ka carooday dhaleeceynta iyo gefka uu u geestay Xildhibaanka.

Ciidamada Sirdoonka Congo ayaa xiray Xildhibaan Jean-Bosco kadib markii uu ka biyo diiday in uu tago saldhig booliis oo looga yeeray, waxaana xildhibaanka ku socda baaritaano ku aadan hadalada gefka ah uu u geestay Madaxweynaha.

Talaabadan lagu xiray Xildhibaankan dhaleeceeyay Madaxweynaha Congo DR ayaa hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalka Congo, waxa ayna dad badan Madaxweynaha ku eedeeyeen in uu caburinayo siyaasiyiinta aragti ahaan kasoo horjeeda.

Related posts

Kenya Oo si Caro Leh Uga Hadashay Go’aankii Dowladda UK ku Xayirtay.

Heemaall

Hadal Heyn ka Dhalatay Hadyad Uu Madaxwayne Biden Siiyay Boris Johnson.(Sawirro)

Heemaall

Sisi Oo Masar Ku Soo Rogay Xaalad Degdeg Ah

Heemaal