Heemaal News Network
somali

Xildhibaan kala Xiriiray Dowlada Eritrea Arrinta Dhalinyarada Maqan Oo ka Waramay.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu xariir la sameeyay madaxda dalka Eritrea, uuna kala hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalkaas oo xaaladooda muran badan uu ka taagan yahay.

Xildhibaan Zakariye ayaa intaa ku daray in dhalinyarada maqan ay uga jiraan kuwo ehel la ah iyo kuwo isaga la shaqeyn jiray, ayna aad u dhibeyso wararka aan wanaagsaneyn ee ka soo baxaya xaaladooda.

“Waxaan isku dayey inaan hubsado wararka laga faafiyey dhalinyarada loo qaaday Eritrea, waxaan la xariiray madax ka tirsan dalkaas hadde kuma dhahayaan ciidankiinii ayaan dagaal gelinay, laakiin waxaan kala hadlay bal inaan dalkaas tegi karo, waxayna ii sheegeen in sidii Coronavirus uga dilaacay dunida aysan diyaarad tegin Eritrea” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Waxaa uu shaki ka muujiyey wararka sheegaua in ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea laga qeyb geliyey dagaalka ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo ciidamada Eritrea ku lahaayeen.

“Anigu hal arrin baan ogahay, dadka reer Eritrea dhamaantood waa tababaran yihiin oo waa dad u soo dagaalamay xorriyadooda, marka hadii ay ciidan ajnabi ah oo aan ciidankooda aheyn ay geeyaan goob dagaal, waxay u arkaan sumcad xumo iney ku tahay dalkooda, waxaa hubaal ah in ciidankaas ay jebayaan oo laga guuleysanayo, balse arrintaas waan hubsaneynaa run iyo been waxa ka jira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Zakariye ayaa sheegay in haddii ay run noqoto ciidamo Soomaali ah iney ka dagaalameen Tigray ay noqon doonto dembi culus oo ay ku kacday DF, ayna madaxda ku qaranka ee arrintaas ka dambeeyey noqon doonaan dembiilayaal qarankooda qiyaamay.

Related posts

Warbaahinta Dawlada Oo Mar kale Diiday Baahinta Qoraal Caawa soo Saaray Farmaajo

Heemaall

Sheekh Shariif Oo ka Hadlay Khilaafka Farmaajo Iyo Rooble Ee Kiiska Ikraan Tahliil.

Heemaall

Dowlada Itoobiya Oo Kiro Iyo Iib ku Dooneysa inay ku Hesho Dekaddo!!

Heemaall