Heemaal News Network

Xildhibaan Golaha Shacabka U soo Jeediyay In la Baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Somaliya

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u soo jeediyay tallo ah in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Amiin Jeesoow ayaa waxaa uu sheegay in dalka uusan u baahneyn Hay’ad Gargaar, hayeeshee uu u baahan yahay mid horumarineysa xoolaha la dhaqdo, beeraha ka shaqeyneysa iyo sida dadka loo barayo abuurka beeraha ee wax soo saarka leh.

Waxaa uu sheegay Xidlhibaanka in aan baahi loo qabin Hay’addaha Gargaarka ee la cararayo Galeyda, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo waxayabaha dadka niyadda ka dilaya oo ula jeeday dadka gacanta laga quudinayo iyo kuwa guryaha wax lagu siiyo.

“Waxaan soo jeedinaa in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Dalkaan uma baahna gargaar ee wuxuu u baahanyahay hormarin hala joojiyo waxayabaha dadka niyadda ka dilaya” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ku baaqay in loo soo jeesto in dadka beeraleyda abuur wanaagsan la siiyo iyo qalabkii ay u adeegsan jarista dalagyadda kala duwan ee la beero.

Hadalkaan ayuu Xildhibaan Jeesoow ka sheegay kulan Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Related posts

Ciidamada Itoobiya Oo Xoogaga Tigrey ka Qabsaday Magaalada Istaraatiiji ah Ee Adigrat.

Heemaall

Wafddi ka Socday Kenya Oo Muqdisho kula Shiray Masuuliyiinta Dawlada Somaliya.(Sawiro)

Heemaall

La Taliyihii Xogaha Khaldan Siin-jiray Trump Oo Is-casilay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More