Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia Oo Meel Mariyay Habka Loo Marayo Buuxinta Kuraasta Ka Banaan Baarlamanka

Baarlamanka federaalka Somalia ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaana shir guddoominayay.

Jawaari ayaa ugu horeyn faahfaahiyay qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka banaan Golaha, kaasoo ku saabsan in guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka loo wakiisho labada kursi ee Baarlamaanka ka dhiman, kuwaasoo kala ah kursiga Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe oo noqday Taliyaha Hay’ada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo hal Xildhibaan oo geeriyooday.

Guddoonka ayaa cod geliyay qaraarka oo ku saabsanaa qaabka loo maamulayo kuraasta ka maqan Baarlamaanka ee dhanka guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka, waxana 128 mudane ay ogalaadeen in guddiga loo dhiibo arrinta ku aadan soo dhameystirka kuraasta Baarlamaanka, halka ay diideen 16 mudane, waxaana ka aamustay lix mudane.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in hadda kadib kursiga Xildhibaankasta ee Banaanaada uu ku imaan doono sida markii hore lagu soo doortay, isagoo intaa ku daray in wixii qilaaf ah ee ka dhasha arrintaas loo gudbin doono Maxkamadda sare ee dalka.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaan oo ka mid ahaa Xildhibaannadii keenay mooshinka ku aadan heshiiska dekadda Berbara ee lala galay dalka Isutaga Imaaraadka ayaa codsaday in ajandaha maanta lagu soo daro, si ay Xildhibaannada uga doodaan, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka uu talo ahaan soo jeediyay, maadaama faahfaahin dheeri ah laga heynin heshiiskaasi in laga warsugo dhanka Xukuumada, taasi oo ay ku raaceen Xildhibaanada.