Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Dib U Eegista Miisaaniyadda sanadka 2018.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda dalka ee sanadkan 2018ka oo ay Qaraar u soo badaleen Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.

Kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muuday ayaa Dhageysi iyo dood dheer kadib codbixinta Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa u dhacday sidatan, 153 ayaa ogalaatay, 2 wey diiday halka 3 kalana ay ka aamustay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka maadaama ay meel mariyeen dib u eegista Miisaaniyadda Dalka oo lacag dhan $22.5 Milyan ay ku korortay $17 milyan oo ka mid ah lacagta korortayna waa Mushaarka Ciidanka Xoogga Dalka.