Heemaal News Network

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Kulan Gaar Ah Maanta Ku Leh Villa Hargaysa

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhinta 3aad ee wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku aadan wax qabadka 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray farrimo ku aadan in maanta uu kulan, hayeeshee laguma xusin in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu Maanta hortegayo Xildhibaanada.

Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin kahor hortegay xildhibaanada golaha shacabka, isagoona jeediyay khudbad uu uga xalay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dalka dhacaya.

Kulanka xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusii qul qulaya xildhibaanada.

Si kastaba kulankan Maanta ee xildhibaanada ayaa kusoo aadaya, iyadoo xalay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Farmaajo, iyadoona la doortay maanta oo kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017.

Related posts

Wakiilada Beesha Caalamka Oo R/Wasaare Rooble U Xil-saartay Arimaha Doorashada.

Heemaall

Abiy Axmed Oo Saluugay Awooda ay kusii Dagaalami karaan Xoogaga Tigrey.

Heemaall

Mursal Oo Ka Diiday Dalab Ay Xalay Ula Tageen Midawga Musharaxiintu

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More