Illaa 47 Xildhibaan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa War saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi aanu ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada uu ka soo saarayo ee ka dhanka ah dhismaha Guddiyada doorashada
Sidoo kale waxay War-saxaafadeedkooda ku caddeeyeen in dhismaha Guddiyada doorashada loo maray hab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed ee dhexmaray DF iyo dowlad goboleedyada.
Hadalka xildhibaanadan ayaa dhabarjab ku ah guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ka soo horjeestay guddigii doorashooyinka xubnaha gobolada woqooyi ee uu soo magacaabay RW kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.
Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya inuu xaq u leeyahay magacabida guddigan, maadaama uu yahay masuulka ugu sareeya ee DF ku metelada xubnaha gobolada Woqooyi.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Xildhibaanada: