Heemaal News Network

Garowe:-Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday Oo ka Hor-yimid Dacwad Laga Gudbiyay

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxba kamaa ka soo qaaday dooddii xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaaray gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.

Madaxweyne Donald ayaa ku doodday in aan looga guuleysan doorashada, balse taa badalkeeda ay dhacday ku shubasho cad.

Balse maxakamada ayaa sheegtay in Biden Tobanaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump Pennsylvania.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo dimoqraadi ah ayaa mar hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan December codeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxaa ay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.

Joe Biden ayaa doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xirantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.

Related posts

Daacish Oo soo Saartay Muuqaal ka Hadlaya Dhaqdhaqaaqyada ay ka Wadaan Somaliya (Sawiro)

Heemaall

Wuxuu Helay Boorsadiisii Kaga Luntay Cidhifka Koofureed “Antarctica” 53 Sanno Ka Hor

Heemaal

QM Oo War kasoo Saartay Heshiiskii Midowga Musharaxiinta iyo RW Rooble.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More