Heemaal News Network
Soomaaliya

Xildhibaannada Cusub Ee Barlamanka Jubbaland Oo la Dhaariyay.(Sawiro)

Magaalada Kismaayo ayaa waxa goor dhawayd lagu soo gabagabeeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Goobta lagu dhaarinayay xildhibaannada waxaa ku sugnaa xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland, Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland, ee soo Xulay xildhibaannada, Dhamaan Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ,Ururrada Bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubbaland.

Xildhibaannada waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Jubbaland,

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota maamul doona Maamulka Jubbaland.

Dhaarinta xildhibaannada cusub ayaa imaneysa xili isla maanta Kismaayo looga dhawaaqayo liiska xildhibaanno kale oo ay soo saareen guddi ay kol hore magacaabeen musharixiinta Isbdal doonta ee ka soo horjeeda guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More