Heemaal News Network

Xildhibaannada Mucaaradka Ee Labada Aqal Iyo Midowga Musharixiinta Oo Shir Uga Socda..

Mid kamid ah Hoteelada kuyaal Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan uu kulan uga socdaa Xildhibaannada mucaaradka ee ku jira Baarlamaanka labada Aqal iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka la helay ay sheegayaan inay ka arinsanayaan arrin soo korortay oo ah qorsho uu Ra’iisul Wasaare Rooble doonayo in uu horkeeno Kulanka Beri ee Golaha Shacabka.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble berri marka Baarlmaanka hor yimaado uu soo jeedin doono Xukuumadda in lagu laabto hannaankii doorashada hal deegaan doorasho iyo liiska xiran (Single Constituency iyo Close Lista) si loo qabto doorasho qof iyo cod, waxaana ku lifaaqan codsi muddo kordhin labo sano ah.

Xildhibaannada mucaaradka iyo Midowga Musharixiinta ayaa wada qorsho ka dhan ah in Ra’iisul Wasaaraha uu Beri horshahaas horgeeyo Baarlamaanka maadaama muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhamaaday.

Related posts

Abdi Xaashi Oo Lagu Qanciyay Xubno Loogu Darayo Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo Kulan la Qaatay Madaxweynaha Jabuuti.

Heemaall

Puntland Oo Baaritaan ku Bilowday Xakimiin loo Xir-xiray Siidaynta Alshabaab Ku Xidhnaa Gaalkacyo

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More