Heemaal News Network
somali

Puntland:-Xildhibaano soo Jeediyay in Somaliland Lagu Daro Liiska Argagixisada.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Puntland ayaa maanta soo jeediyay in maamulkooda uu Somaliland ku daro liiska argagixisada.

inkastoo aan soo jeedintaas lagu darin ajendihii maanta haddana waxaa gadaal ka riixayay qodobkaas xildhibaano intooda badan ka soo jeeda gobolka Cayn ee maamulkaasi.

Xildhibaanada soo jeediyey arrintan ayaa Somaliland ku eedeeyay inay deegaanno ka tirsan gobolkaasi ku abuurto dagaalyahannada Al-Shabaab.

Lama ogo waqtiga mooshinkaas lagu dari doono ajandaha oo ay xildhibaannadu ka doodi doonaan maalmaha iyo todobaayada soo socda.

Somaliland oo sheegata iney tahay dal madax banaan iyo Puntland oo ka tirsan Somalia ayaa waxaa ka dhex jira muran dhinaca ah oo la xiriira soohdimaha uu sameeyey gumeysiga.

Related posts

Gudomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan la Qaatay Jaaliyadda Somaliya Ee Netherlands

Heemaall

Saylici Oo Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya lala Yeeshay.

Heemaall

R/Wasaare Xamse Oo si Wayn Loogu soo Dhoweeyey Deegaankiisa Dhagaxbuur.(Sawiro)

Heemaall