Heemaal News Network

Xildhibaano Beeniyey Bayaan UU Xaashi Xalay Soo Saaray “Kulanka Waan Tagaynaa”

Waxaa soo shaac baxay khilaaf salka ku haya ka qeyb galka kulanka maanta ee fadhiga maanta, kaas oo u dhaxeeya sanerorrada Aqalka Sare, kadib markii uu guddoomiye Cabdi Xaashi soo saaray qoraal uu ku sheegay in uusan maanta jirin kulan wadajir ah oo ay ka qeyb gelayaan.

Wargelin: Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Jannaayo 2021.

Intaas kadib waxaa qoraal kale soo saaray Senetor Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo sheegay in iyagoo gudanaya waajibaadlka saran ay maanta ka qeyb gelayaan kulanka wadajir ah ee baarlamaanka federaalka.

Annaga oo ah xubnaha Aqalka Sare, waxa aan gudanaynaa waajibaadkeena dastuuriga iyo kan mas’uuliyadda qaran ee na saarran. Waxa aan si hubaal ah u caddaynaynaa in aan ka qeybgali doonno fadhiga guud ee ay iskugu imaanayaan xubnaha Golayaasha Aqalka Sare iyo Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

ayuu yiri Senetor Ayuub oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu hor tago labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka soo amba baxaya Dhuusamareeb, kadib markii xalay lagu dhawaaqay inuu fashilmay shirkii madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Related posts

Askar Ku Dhimatay Qarax Lala Eegtay Taliyaha Qaybta 21aad Ee CXDS

Heemaal

Kenya Oo Bedeshay Qareenadii Uga Doodayay Dacwada Badda Ee Somaliya

Heemaall

Dowladda Somaliya Oo Deeq Raashin ah Gaarsiiyay Degmada Diinsoor.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More