Xildhibaano ka Dareeray Baarlamanka France Markii ay kasoo Qayb-gashay Gabar Xijaaban(Sawirro)

Xildhibaanada Baarlamaanka faransiiska qaarkood ayaa ka baxay fadhi ay lahaayeen iyagoo ka careysan hogaamiyaha Midowga ardayda oo ka soo muuqatay baarlamanka iyadoo xijaaban.

Markii Maryam Pougetoux, oo ah hoggaamiyaha ururka ardayda Unef, ay ka soo muuqatay Kulanka Baarlamaanka si looga dhageysto warbixin la xiriirta saameynta COVID-19 ee dhalinyarada iyo carruurta, ayay xildhibaanka LREM Anne-Christine Lang ku dhawaaqday inay ka baxeyso qolka .

“Ma aqbali karo in xarunta Golaha Qaranka uu qof xijaaban ka muuqdo”, ayay tiri iyadoo careysan, iyadoo Mudanayaal kale oo ka tirsan xisbiga garabka midig ee Les Républicains ay ku raaceen go’aankeeda kana baxeen fadhiga.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka galinkii dambe ee maanta ayay ku sheegtay inay xijaabka u aragtay astaan soo gudbineyso islaam.

Faransiiska ayaa ah kan ugu tirada yar Muslimiinta Galbeedka Yurub, waxaana ku nool ku dhowaad shan milyan oo Muslimiin ah. Mamnuucida xijaabka iyo astaamaha kale ee diinta ee dugsiyada dawladda ee Faransiiska ayaa la soo saaray 2004.

Faransiiska ayaa sidoo kale ahaa dalkii ugu horreeyay Yurub ee sanadkii 2011 ee ka mamnuuca indho-shareerka goobaha dadweynaha.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy