Heemaal News Network

Xildhibaano ka Tirsan Galmudug Oo M/Deni kala Hadlay Maxaabiis kaga Xiran Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash, ayaa xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo maalmahan ku sugnaa Puntland

Xildhibaanada Galmudug ayaa Puntland u yimi xaaladda maxaabiis Galmudug ah oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe.

Waxa ay kulamada ay yeelanayaan intii ay joogeen ku weheliyay xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, gaar ahaan guddiyada ay isku shaqada yihiin.

Xildhibaanada ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in uu sii daayo maxaabiis ku xiran arimo ku saabsan burcadbadeednimo oo sanado badan ku xiran xabsi ku yaalla Garowe.

Related posts

Somaliland Oo Geel Mag ah U kala Qaaday Beelo Rag Iskaga Dilay Gobolka Sanaag.

Heemaall

Xaalada Dhaawacii Madaxa ka Gaaray Gool-hayihii Gobolka Sool Oo Laga Dayrinayo.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo Warqad la Xiriirta Muranka Dorashada U Diray Beesha Caalamka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More