Xildhibaano ka Tirsan Labada Aqal Oo ka Horyimid In Beel kaliya Ay ku Tartanto Madaxweynaha HirShabelle.

War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabelle ayaa kasoo horjeestay in beel kaliya loo xiro tartanka doorashada madaxwaynaha Hirshabeele, iyagoo sidoo kale taageeray in doorashada maamulkaas ay waqtigeeda ku dhacdo.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-murtiyeedkan ku soo jeediyay in xilalka maamulkaas ay si siman ugu tartamaan beelaha Soomaaliyeed ee dega Hir-Shabeelle.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo beesha Xawaadle ay diidan tahay in madaxweynaha maamulka ay u tartamaan siyaasiyiinta beesha Abgaal, xilli la rumeysan yahay in madaxweynaha ku xigeenka maamulka Cali Guudlaawe ay dowladda federaalka la dooneyso xilkaas.

Qoraalkan oo shan qodob ka kooban ayaa ka soo baxay kulan ay maanta xildhibaanadaasi Muqdisho ku yeesheen, waxayna taageereen jadwalkii doorashada baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle ee ka soo baxay guddiga farsamada, kaas oo madaxweyne Waare uu kasoo hor jeestay.

Hoos ka aqriso

Akhriso Magacyada Xildhibaanada Saxiixay Warmurtiyaadkan

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy