Xildhibaano Mooshin ka Keenay Heshiisyada Uu Galay Madaxweyne Farmaajo.(Akhriso)

Xidhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay guddoomiyaha Baarlamaanka ka dalbaday in la furo dood la xiriirta heshiisyada lala galay dowladdaha shisheeye mudaddii ay jirtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xildhibaannada ayaa Qodobada ay dalbadeen waxaa ka mid ahaa :

1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal.

3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka imaan kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.

Hoose ka Akhriso Qoraalka soo saareen xildhibaannada :