Heemaal News Network
somali

Xildhibanada labbada Gole Oo Maanta Kulmaya

Xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo kulamo gaar gaar ah, kaasoo ay uga arinsanayaan u diyaar garowga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, habdhowrayaasha labada aqal ee baarlamaanka ayaa xalay fariin qoraaleedyo u kala diray mudanayaasha, iyagoo u sheegaya inuu jiro kulanka maanta, waxaana looga dalbaday iney waqtiga ilaaliyaan.

Qorshaha ayaa ah in labada dhinacba ay iska soo kala xulaan ama doortaan xubnihii kamid noqon lahaa guddiyada doorashada labada aqal, si loogu diyaar garoobo doorashada madaxweyne oo qorshaha yahay in ilaa 20ka bishan la soo doorto.

Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, howsheeda waxey tahay iney go’aamiyaan xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha.

Related posts

Maxkamada Sare Oo Billowday Dhegaysiga Dacwada Hakinta kursiga Fahad Yaasiin

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn Sameeyay.

Heemaall

Suxufiyad Aflagaadeysay Erdogan Oo Xasbiga la Dhigay.

Heemaall