Heemaal News Network

Wasiirkii Arimaha Dibeda Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday, Mid kale-na la Magacaabay.

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasoo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka mudane Axmed Ciise Cawad oo xilka laga qaaday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad inkastoo aan la sheegin safaarada loo magacaabay.

Xil ka qaadistaan ayaa waxay wararku sheegayaan in ay salka ku hayso aragti kala duwanaansho la xiriirta dagaalaka ka socoda dalka Itoobiya, kadib markii muran ka dhashay warqad shalay kasoo baxday Wasaaradda arimaha dibada lagu taageeray dagaalka dowladda Ethiopia kula jirto gobolka Tigray, warqaddaas oo markii dambe bogga laga saaray.

Related posts

Washignton: Taageerayaasha Trump Iyo Bidan Oo Gacmaha Iskula Tagay

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo Ogaaday Cida Dilka Ugu Hanjabtay Barkhad Batuun.

Heemaall

Sacuudiga Oo Walaac Xoogan ka Muujiyay Daagaamaynta ay Bilowday Israel

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More