Xilka Qaranka Dalka Masar Oo Gaadhay Dalka Ruushka Kana Qayb Galaya Koobka Aduunka

Waxa waddanka Ruushka ka degtay diyaaraddii sidday ciyaartoyga xulka qaranka Masar uga qayb-gelaya Koobka Adduunka, taas oo maanta gellinkii hore ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qahira.

Xulka qaranka Masar ayaa si toos ah uga degay Grozny, halkaas oo ay ku qaadan doonaan tababar fudud oo ay ku samayn doonaan garoon carbis oo hore loogu sii diyaariyey, waxaana ay Khamiista tegi doonaan garoon weyn oo ku yaalla magaalada Moscow oo ay ka qabsoomi doonto xafladda Furitaanka, taas oo xulalka lagu soo bandhigi doono.

Ciyaaryahannada Masar ee gaadhay Ruushka waxa hoggaaminayey Mohamed Salah oo dhaawac u jiifay labadii toddobaad ee u dambeeyey, hase yeeshee Masar ay rajaynayso inuu caafimaadkiisu taam ku noqdo maalmaha kooban ee uga hadhay ciyaartooda koowaad.

© Heemaal News Netwok