Heemaal News Network
cayaaraha

Xiriirka Kubbada Cagta Ingiriiska Oo Canbaareeyey Cunsuriyadii Lagula Kacay Marcus, Bukayo Iyo Jadon

Xiriirka kubada cagta Ingriiska (FA) wuxuu cambaareynayaa xadgudubyada cunsuriyada ah ee lagula kacay Marcus Rashford, Bukayo Saka iyo Jadon Sancho, ka dib markii seddexda ciyaaryahan ay seegeen rigooradii ugu dambeysay ee Italy ee finalka Koobka Qaramada Yurub ee ka dhacday Wembley habeenkii Axada.

Gaar ahaan baraha bulshada ayay farriimaha aflagaadadu aad loogu qoray.

Si cad uma sheegi karno hadda cida ka danbaysa dhacdooyinkan nacaybka ah, balse laguma soo dhawayn karo kooxda xiriirka kubbada cagta ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska London ayaa baaraya kiiska.
Tani gebi ahaanba lama aqbali karo. Looma dulqaadan doono waana la baari doonaa, booliska ayaa ku qoray Twitter.

Waagii hore, Rashford, iyo kuwo kale, ayaa ka soo horjeeday midabtakoorka, laakiin hadda Xiriirka Kubadda Cagta wuxuu aaminsan yahay in loo baahan yahay in wax badan la qabto.

“Shirkadaha warbaahinta waxay u baahan yihiin inay istaagaan oo ay masuuliyad iska saaraan mamnuucida kuwa xadgudubka ka geysta barahooga, iyagoo uruurinaya cadeymo loo adeegsan karo dacwad oogista, si markaas madasha ay uga madax banaanaato xadgudubka nuucaan oo kale ah,” ayuu ururka sii waday.

Related posts

Daawo Messi Oo Oohin Ku Macal Salaameeyey FC Barcelona

Heemaal

Mikel Arteta Oo Qirtay In Uu Kooxdiisa La Daadagay “Koox Liidataan Nahay”

Heemaall

Cristiano Ronaldo Oo Juventus Ka Codsaday Saxeex Cusub

Heemaal