Xisbiga Jamhuuriga Oo Ka Hadlay Go’aanka Trump Ee Doorashada

Hogaamiyaha sanetka ee xisbiga Jamhuuriga Mitch McConnell ayaa sheegay in “si nidaam leh ” doorashada ka dib loo maareyn doono xilliga kala guurka ka dib markii uu madaxwayne Trump su’aal galiyay geedi socodka doorashada iyo sida loogu kalsoonaan karo.

Mr McConnell oo ka mid ah sanatarada ugu sarsareeya ayaa xusay in cidda ku guuleysataba doorashada madaxwaynanimada 3 November in caleema saarka uu qabsoomi doono 20 bisha January.

Waxaa uu intaa ku daray in sidii caadada u ahayd Mareykanka afar sano kasta tan iyo sanaddii 1792 ay xil wareejinta dhici doonto haddii Trump doorashada looga guuleysto.”

Sidoo kale Sanatrada kale ee xisbiga Jamhuuriga ayaa iyagu ballanqaaday in si nidaam ah oo ammaan ah ay doorashada ku dhici doonto.

Sanatar Lindsey Graham,oo ay si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwayne Trump ayaa ka mid sanataradaa balanqaaday in si nabad ah ay wax walba ku dhici doonaan.

Sanatar Mitt Romney ayaa dhankiisa si adag uga hadlay arrintan isaga oo sheegay in haddii ay dhacdo in madaxwaynaha uu dastuurka xushmayn waayo ay arrintaasi tahay mid aan loo dulqaadan doonin.

Maalin ka hora ayay ahayd markii madaxwayne Donald Trump uu diiday in uu ballanqaado xil wareejinta haddii doorashadaa looga guuleysto.

Mr Trump ayaa yiri “waan arki doonaa waxa dhaca”.

Waxaa uu shaki galiyay codeynta ku dhaceysa qaabka Boosatada ah, balse saraakiisha dooarsahad ayaa ku adkeystay in boostado tahay mid la isku haaleyn karo.
Madaxwayne Trump ayaa imika dhanka ra’yi uruurinada ka hooseeya musharaxa xisbiga Dimuqraadiyada Joe Biden, xilli ay doorashada ka hartay 40 maalmood.

Sanadkan tira aad u badan oo codbixiyayaasha Mareykanka ah ayaa codadkooda ku dhiibanaya qaab Boosta ah, taasi oo ka dhalatay feyriska corona, islamarkana waxaa uu Mr Trump uu su’aal galiyay ammaanka nidaamka codeynta ee Boostooyiinka.

Musharax kasta oo doorashada madaxwaynanimo Mareykanka looga adkaado ayaa waxaa caado ahayd in uu aqbalo islamarkana uu qiro in uu guuldareystay.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy