Heemaal News Network

Xisbiga Kulmiye Oo Lacagtii Musharraxnimada ka Dhaafay Haweenka iyo Beelaha Gabooye.

Xisbiga haya talada Somaliland ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku shaaciyay in xisbigaasi Kulmiye ka dhaafay musharraxiinta haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay lacagtii xisbiga.

Musharrixiinta labadaas qeybood ee u ordaya inay xisbiga ugu tartamaan doorashada golaha wakiillada iyo midda deegaanka ayaa laga dhaafay lacagta xisbiga, taasoo uu ku sheegay in looga denleeyahay himilada xisbiga ee gacansiinta iyo dhiirigelinta haweenka iyo beelaha laga tiro badan yahay ee dhanka doorashada.

Doorashada golaha wakiilada ee musharraxiinta ku ordaya magaca xisbiga Kulmiye ayaa rag iyo dumarba waxaa musharraxkasta ay tahay inuu bixiyo 2000 oo doolar oo uu xisbiga u shubayo, halka doorashada deegaanka ay tahay musharraxa inuu bixiyo 1000 doolar.

Sidoo kale xisbiga Kulmiye ma sheegin in laga dhaafayo lacagta komishanka doorashooyinka oo qofka u tartamaya golaha wakiilada laga rabo 60 milyan oo somaliland ah oo u dhiganta illaa 5 kun oo doolar halka golaha deegaanka uu komishanka ka rabo 20 milyan oo somaliland ah oo u dhiganta 2500 oo doolar.

Related posts

Madaxda QM Iyo Midowga Afrika Oo Mucaaridka Ugu Baaqay Wadahadal

Heemaall

Beesha Caalamka Oo War kasoo Saartay Guddiga Doorashada Somaliya Ee Lagu Muransan yahay

Heemaall

R/W Rooble “Waan la Hadlaynaa Mucaaridka ka Cabanaya Guddiyada Doorashada”

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More