Heemaal News Network
somali

Xisbiga UCID Oo si Adag Uga Hadlay Xadhig Xukuumadu kula Kacday Musharixiin Xisbigaasi.

Xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Cabdinaasir Qodax, ayaa sharci daro ku tilmamay xadhiga musharixiin ka tirsan xisbiga UCID, sidoo kalena baaq udiray guddida doorashoyinka.

Cabdinaasir ayaa xadhiga musharixiinta xisbiga UCID ku sababeeyay in qaar kamida wasiirada dowladu, ay ku qasbayaan musharixiinta xisbiga UCID in ay Kulmiye iska sharaxaan.

“Wasiiro xukumada ka tirsan ayaa musharixiinta xisbiga UCID sigaara u beegsanayay oo qaar koodna maanta jeelasha ugu jiraan” ayuu yidhi Cabdinaasir.

“Qaarkoodna sidi jeelasha loogu jidhdilayay in ay ka tanasulaan musharaxnimada xisbiga UCID jeelka gudihiisa waraaqo lagaga saxeexay”.

Xogeeye ku xigeenka ayaa sheegay in ilaa imika aan wax maxkamada la gaynin musharixiinta xidhan, waxanu ugu baaqay guddida doorashooyinka in ay soo faragaliyaan xadhiga musharixiinta.

Xukuumada ayaa tiraba dhawr jeer xabsiyada dhigtay musharixiin ka tirsan xisbiga UCID, kuwaasi oo aan ilaa hada la cadaynin sababta dhabta ah ee ka danbeysa xadhigooda, waxana dhacda in layska sii daayo markay muddo xidhnadan.

Related posts

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo si Sharci daro ah Looga Saaray Golaha Wakiilada Somaliland.

Heemaall

M/Biixi Oo ka Codeeyay Hargaysa Mar kale la Hadlay Shacabka Somaliland.(Sawirro)

Heemaall

Somalia Oo Sambiya Kala Hadashay Soomaali u Xidhxidhan

Heemaall