Heemaal News Network

Xisbiga Wadajir Oo Walaac ka Muujiyay Guddiyada loo Magacaabay Doorashada.

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa soo bandhigay walaac uu ka qabo guddiyada doorashada ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya & kuwa ka yimid Dowlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in kalsooni dari xoogan ka muujinayaan inta badan xubnaha la magacaabay ee Guddiyada heer Federaal iyo Dawlad Goboleed.

Sidoo kale Xisbiga Wadajir ayaa sheegay inta baan Xubnaha Guddiyada la Magacaabay ay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya halka qaarkood laga soo xulay taageerayaasha Baraha Bulshada ee Madaxweyne farmaajo, sidoo kalena aflagaadeyn jiray Xubnaha Mucaaradka.

Ugu dambeyn Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay in dib loogu noqdo Xubnaha Guddiyada doorashada, isla markaana la waafajiyo heshiiskii doorashada lagalana tashado Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Hoos Ka Akhriso:

Related posts

Maraykanka Oo Labbo Sarkaal Oo Ka Tirsan Alshaab Ku Daray Liiskiisa Madow

Heemaal

Xisbiyada Illmo Sheekh Oo Iska Fogeysay Warqad Madashu ku Qaadacy Doorashada Somaliya.

Heemaall

Golaha Ismaamulka Somalida Oo Ansixiyay Deeq Lagu Taageero Ciidamada Itoobiya (Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More