Heemaal News Network

Xoghayihii Ugu Horeeyey Ee Maamulka Biden Oo Laga Eryey Aqalka Cad

Ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, TJ Ducklo, ayaa xilkaasi iska casilay maalin uun kaddib markii shaqada laga joojiyay, iyadoo lagu eedeeyay inuu u hanjabay gabar weriye ah.

Ducklo ayaa lagu soo waramayaa in uu gabadhaasi oo lagu magacaabo, Tara Palmeri, ugu hanjabay in uu “baabi’in doono” kaddib markii ay su’aalo ka weydiisay noloshiisa gaarka ah.

Ducklo ayaa bayaan uu soo saaray shalay ku sheegay in uu adeegsaday luuqad aan habboonayn.

Madaxweyne Joe Biden ayaa horey wacad ugu maray inuu shaqada ka eryi doono qof kastaa oo ka tirsan maamulkiisa oo qof kale oo ay wada shaqeynayaan ula dhaqmo “ixtiraam darro”.

Ducklo ayaa sheegay in arrintaasi dhex martay isaga iyo gabadhaasi asyan ka turjumeyn shakhsiyaddiisa, sidaa awgeedna uu soo ceshan doono kalsoonidii ay dadku ku qabeen.

Gabadhaasi weriyaha ahee Tara Palmeri ayaan ilaa iyo haatan ka hadlin tallaabadani uu qaaday Ducklo.

Ducklo ayaa shaqada laga joojiyay Jimcihii dhawaa, kaddib markii majaladda Vanity Fair ay baahsiay hanjabaadda la sheegay in uu u geystay Palmeri.

Gabadhaasi ayaa baaraysay xiriirka Ducklo uu la leeyahay, Alexi McCammond, oo ah weriye ka tirsan Axios oo ka soo warramayay ololihii doorashada ee Biden.

Sida la sheegay Ducklo ayaa gabadhaasi wacay kaddibna ugu hanjabay in uu “baabi’in doono”. Wuxuu sidoo kale ku yiri hadallo sharaf dhac ku ah gabadhaasi, sida lagu sheegay warbixinta Vanity Fair.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in go’aanka Ducklo ee uu shaqada ka tagayo uu ahaa mid aad looga soo dhaweeyay xafiiska madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Ron Klain.

Related posts

Midawga Musharixiinta Oo War kasoo Saaray Shirkii Madaxda Galmudug iyo Puntland.(Akhriso)

Heemaall

Donald Trump Oo Diiday in Tallaalka COVID-19 la Siiyo Shaqaalaha Maraykanka

Heemaall

Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD Oo Maanta ka Furmaya Dalka Jabuuti.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More