Heemaal News Network
somali

Xoogaga TPLF Oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaallo Dib Uga Bilaabeen Waqooyiga Itoobiya.

Maamul gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa ku eedeeyey ciidamada gobolka ay dariska yihiin ee Tigreega iney weeraro horleh kusoo qaadeen dhulkooda.

Maamulka ayaa intaa ku darey in Tigreegu qabsadeen magaalooyinka Magaale iyo Abala, ayna halkaasi ku dhaawacmeen tiro badan oo shacab ah.

Tigreega ayaa iyaguna dhankooda ku eedeeyey maamulka Canfarta iyo dowladda Eritrea-yaba iney iyagu bilaabeen marka koowaad dagaalka.

Shaqaalaha gargaarka, ayaa sheegay in rabshaduhu ay ka hor istaageen 27 baabuur oo sida cunno gargaar oo degdeg ah, kuwaasoo lagu wadey iney gaaraan gobolka Tigreega.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in cunno qeybintu ay mareyso heerkii ugu hooseeyey abid ee gobolka, iyadoo boqolaal kun oo qof ay kunool yihiin xaalad macaluul ah.

Related posts

Somaliland Oo Kulan Deg-deg ah Ugu Yeertay Hay’adaha ka Howlgalla Degaannadeeda

Heemaall

Maraykanka Oo Taageeray Mowqifka Midowga Afrika ka Qaatay Muddo Kordhinta Dawlada.

Heemaall

“Coldoon Arrinkii Uu Sheegay wuu Cadaaday, Madaxweynuhuna…” Xildhibaan Maxamed Abiib

Heemaall