Heemaal News Network

Wasiiro Iska-casilay Maamulka Trump Kuna Eedeyay Rabashadihii Capitol.

Laba xubnood oo ka tirsan wasiirada xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa iscasilay kadib markii madaxwaynaha ku eedeeyeen masuuliyada weerarkii dhismaha lahaa ee ka dhacay xarunta Capitol.

Wasiirka wasaarada Waxbarashada Betsy DeVos iyo Wasiirada gaadiidka maraykanka Elaine Chao ayaa maanta ku dhawaaqay inay iska casileen maamulka madaxwayne Trump, iyagoo Trump ku eedeeyeen rabshadihii xarunta Capital.

Wasiirrada waxbarashada ayaa sheegtay in aan la iska indho tiri karin saameenta hadalka madaxwaynuhu ku yeeshay xaalada ka taagan dalkaasi..

Iscasilaada xoghayaha gaadiidka Maraykanka Elaine Chao ayaa lafjab ku noqonaysa madaxwayne Trump maadaama ay saamayn wayn ku leedahay xisbiga Jamhuuriga, waxaana ay marwadiisa tahay hogaamiyaha xildhobaanada jamhuuriga ee aqlabiyada aqalka sare, kaasoo trump ka badbaadiyay maamuus ka xayuubintii hore ee looga baqayay Biden inuu laf dhuun gasha ku noqdo.

Dhinaca Madaxweyne Trump ayaa cambaareeyey qalalaasihii Arbacadii ay taageerayaashiisa ku weerareen dhismaha Capitol ee magaalada Washington, Isagoo u hadlayay si ka duwan maalmihii hore, ayuu dibad-baxayaasha ku sheegay inay meel uga dhaceen dimoqraadiyadda Mareykanka.

Trump oo hadaladiisa debecesan ay ka yaabiyeen dad badan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku hawlan yahay xil wareejin sharciga ku saleysan.

Wuxuu sheegay in maamulka cusub la caleemo saari doono 20-ka bishan Janaayo, wuxuuna ku baaqay isu uur-fayoobi iyo dib u heshiisiin.

Muuqaalka uu soo duubay ayaa waxaa lagu baahiyay bartiisa Twitter-ka oo mar kale loo fasaxay ka dib markii laga mamnuucay ka dib weerarka dhismaha Capitol.

Talaabada uu qaaday Trump ayaa muuqata inuu isaga qaboojinayo carada ka dhalatay weerarkii taageerayaashiisu ku galeen xarunta aqalka Congresska Maraykanka oo uu ka socday kulan lagu ansixinayey guusha Joe Biden.

Xildhibanada labada Aqal ee mucaaradka ku ah Madaxwyenaha ayaa ku baaqay in xilka laga xayuubiyo Trump ka dib weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol Hill, kaasoo sababay dhimashada afar qof.

Related posts

Muuse Biixi Oo Maanta Socod ku Maray Deegaanada Xeebaha Awdal iyo Salal.

Heemaall

Jidadka Magaalada Muqdisho Oo Saaka Xiran

Heemaal

Amoud Foundation Oo Deeq Rashina Gaadhsiiyey Bulshada Bahal Dhamal Ee Gobolka Hargaysa

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More