Heemaal News Network
somali

Xukun Lagu Riday Saraakiil Kenyan ah Oo Dilay Haweeney Somali ah

Maxkamadda Sare ee magaalada Garissa gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay labo sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan.

Saraakiishan ayaa lagu helay inay saddex sano ka hor ku dileen degaanka Ramu ee Ismaamulka Mandheera Cabdiya Cumar Aadan oo aheyd haweeney Soomaali ah

Denis Langat iyo Kennedy Okuli ayaa markii uu dilku dhacay la soo taagay maxkamad, balse maxkamadda oo eegeysa xaalado gaar ah sida halka uu dilku ka dhacay ayaa go’aansatay in dilkaasi uusan ahayn mid ula kac ah.

Cabdiya oo 63 jir ahayd ayaa la toogtay 10-kii November, sanadkii 2018, kaddib howlgal ay booliisku ka sameeyeen gurigeeda, iyagoo doonayay inay soo xiraan wiilkeeda oo looga shakisanaa inuu daroogada ka ganacsado.

Bishii July ayaa dembi lagu helay labadan nin, kaddib markii ay baaritaan sameysay Waaxda Kormeerka Booliiska (IPOA). Waaxda oo xukunka kaddib warbixin soo saartay ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caddaalad u raadinta dadka la midka ah Cabdiya.

Related posts

Taliska Booliska Gobolka Bari Oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay.

Heemaall

Dawlada Somalia Oo Warbixin ku Aadan Abaaraha Horgeysay Shirka Jamacada Carabta

Heemaall

Bayle Oo Kulan La Qaatay Madaxeyne Ku Xigeenka Bankiga Aduunka

Heemaal