Heemaal News Network

Somaliland Oo Shaacisay Tirada Dadka loo Xir-xiray Musuq-maasuqa.

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu dad badan u xirxiray arrimo la xiriira Musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamad, kadib markii lagu helay eedeeymo Musuq-maasuq.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu 19 qof u xiray Musuq-maasuq, isla markaana qaar kamid ah dadkaas la horgeeyay Maxkamad, lana xukumay.

Sidoo kale Qoraalka Hanti-dhowraha ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah 19-ka qof ee xiran weli aan la horgeyn Maxkamad, hayeeshee la horgeyn doono sharciga, maadaama lagu helay arrimo la xiriira Musuq-maasuq.

Somaliland ayuu Hanti-dhowraha sheegay in sanadkaan 2020 ay qaaday tallaabo kasta oo looga hortegayo Musuq-maasuqa, ayna culeyska saareen horumatinta xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed.

Ugu dambeyn Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa shacabka ugu baaqay in si wadajir ah looga wada-hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga arrimaha la xiriira Musuq-maasuqa oo xiliyada qaarkood la sameeyo.

Hoos ka Akhrsiso;

Related posts

Masar:-Caro ka Dhalatay Gabar Sawir Iska Qaaday iyadoo ku Labisan Dharkii Faraaciinta

Heemaall

Axmed Madoobe Oo Shaaciyay in Alshabaab kula Dagaalantay Hubkii Dowlada Geesay Gedo.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo Digniin kasoo Saaray Shirka ka Socda Dhuusomareeb.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More