Heemaal News Network
somali

“Xukuumadii Biixi Waxay Naga Dhigtay Maamul Goboleed kamida Somaliya”Afhayeenka Wadani.

Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jamac Batuun, ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibad isla markaana la kala safatay mucaaradka iyo dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka oo waraysi siinayay muuqbaahiyaha Sahan TV, ayaa sheegay in siyaasada arrimaha dibada Somaliland anay joogin halkii looga baahnaa.

Waxa kale oo xukuumada ku eedeyay in halkii ay awooda saari lahayd siyaasada dibada ay ku mashquushay in ay la kala safato dowlada iyo mucaaradka Soomaaliya.

“Diblumaasiyadeeni diciif bay noqotay waxana daliil u ah xidhiidhka aynu la leenahay waddamada jaarka inala ah” ayuu yidhi afhayeenku.

“Waxa muuqata in siyaasadeeni arrimaha dibadu fashiltahay, maanta waxay ahayd in dowlad iyo mucaarad ba inta laysku yimaado talo midaysan dunida lagula garnaqsado”.

“Lakin taa badalkeeda waata xukuumadeeni inaga dhigtay maamul goboleed kamida Soomaaliya, oo ay ku kala dhex milmayso Cabdixaashi iyo Khadar Guuleed” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Barkhad ayaa sidookale sheegay in xukuumadu ay lakala safatay madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Eedaynta xisbiga Waddani, ayaa imanaysa todobaadyo kadib markii ay xukuumada Somaliland baaq kasoo saartay xasilooni darada siyaasadeed ee ka dhex taagan mucaaradka iyo dowlada Soomaaliya.

Related posts

Somaliya Oo Sheegtay Inay Wada-hadallo Cusub la Fureyso Dowladda Kenya.

Heemaall

Kulan Xasan Shiikh Hoygiisa kula Qaatay Safiirka Imaaraadka Ee Somaliya Oo Shaki Dhaliyay.(Sawiro)

Heemaall

Mudaharaad ka Dhan ah Yuhuuda oo ka Dhacay Turkiga.

Heemaall