Heemaal News Network

Xulka Kubada Cagta Ee Galmudug Oo Afka Ciidda U Daray Kooxda Hirshabeelle

Tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedkada uga socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Galmudug.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Galmudug iyo Hirshabeelle isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah oo la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka, waxaana cayaarta qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay la yimaadeen Xulka kubadda cagta ee Hirshabeelle.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxa ay muujiyeen dadaal aad u badanbalse xidigaha kubada cagta Galmudug ayaa waxay muujiyeen is ku dayo badan oo ay ku abuureen fursado markii danbe ay ku dhaliyeed goolkoodii 1aad ee ciyaarta , ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday xidigaha kudhada cagta Galmudug.

Related posts

Dowladda Fadaraalka Oo Saraakiil Ciidan U Dirtay Magaalada Kismaayo.

Heemaall

Haweenay Madaxwaynaha Chile la Gashay Sawir ay ka Codsatay Oo la Ganaaxay.

Heemaall

M/Deni Oo ka Hadlay Mowqifka Puntland Ee Muranka Doorashada Somaliya(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More