Xulka Qaranka Portugal Oo Ku Guulaystay Koobka Qarama Yurub Ee UEFA




Xulka qaranka Portugal ayaa ku guulaystay koobka qaramada Yurub ee UEFA Nations League wuxuuna Portugal noqoday xulkii ugu horeeyay ee hantay koobka cusub ee UEFA Nations league.
Xulka haysta koobka qaramada Yurub ee Euro ee Portugal ayaa markale ku guulaystay UEFA Nations League waxaana guushan Portugal ku hogaamiyay Gonçalo Guedes oo dhaliyay goolka kaliya ee ay Portugal guusha kaga gaadheen Netherlands.
Xulalka Portugal iyo Netherlands ayaa dagaal ugu jiray in ay noqdaan xulkii ugu horeeyay ee ku guulaysan lahaa koobka UEFA Nations League waxayna labada xul soo bandhigeen tatiko iyo dagaal xoogan oo ay koobkan ugu soo diyaar garoobeen.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxay labada xul qaran ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan laakiin xulka Portugal oo garoonkooda marti lagu ahaa ayaa qaybtii hore soo bandhigay weeraro marar badan halis galinayay xulka Netherlands.
Inkasta oo uu xulka qaranka Netherlands marar badan kubbada si qurux badan u qaybinayay isla markaana ay Frenkie De Jong iyo Gini Wijnaldum ay khadka dhexe inta badan maamulayeen, haddana waxay Holland u liiteen dhinaca weerarka.
Ryan Babel iyo Memphis Depay ayaan wax badan ciyaarta ku lug yeelan qaybtii hore halka Ronaldo iyo Bernardo Silva ay shaqo badan qabteen laakiin Portugal ayaa dhaafi kari waayeen difaaca Netherlands oo si adag u shaqeeyay.
Goolhayaha xulka Holland ee Jasper Cillessen ayaa fursado halis ah ka beeniyay ciyaartoyda xulka Portugal oo uu Ronaldo ka mid ahaa wuxuuna joojiyay fursado ay Netherlands dhibaato u gali kartay.
Inkasta oo ay jireen fursado dhawr ah oo ay labada xul heleen gaar ahaan Portugal, haddana waxay qaybtii hore ee ciyaartu ahayd mid tatiko ahaan u xidh xidhnaa oo ay labada xul gool la’aan ku kala nasteen.
Markii layskugu soo laabtay tababaraha xulka Netherlands ee Ronald Koeman ayaa shaxdiisa hal isbadal ku soo sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Promes wuxuuna saaray Ryan Babel oo qaybtii hore fashil noqday.
Daqiiqadii 57 aad ugu danbayn ciyaarta ayaa xamaasad badan yeelatay kadib markii uu xulka Holland helay fursad gool dhalineed kadib markii ay Depay iyo Wijnaldum isku xidhmeen laakiin goolhaye Patricio ayaa kubbada iska joojiyay isaga oo koorne iskaga saaray.
Daqiiqadii 58 aad Portugal ayaa helay fursad halis ah oo ay gool dhalin ku abuuri kareen kadib markii uu Gonçalo Guedes kubbad la baxsaday laakiin Bergwijn ayaa si layaableh kubbada ugu soo guulaystay si uu fursadan u jabiyo.
Daqiiqadii 60 Ronald Koeman ayaa badlakiisa labaad ka dhigtay D. van de Beek wuxuuna ciyaarta ka saaray S. Bergwijn.
Daqiiqadii 60 aad Xulka Portugal ayaa ugu danbayn jabiyay is mari waagii ciyaarta ee waqtiga dheer soo taagnaa kadib markii uu Gonçalo Guedes darbo cajiib ah ku garaacay goolhaye Cillessen waxaana caawinta goolkan si fiican u soo sameeyay Bernardo Silva.
Gonçalo Guedes ayaa noqday xidigii abid ugu horeeyay ee finalka UEFA Nations League gool ka dhaliyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Portugal hogaanka kula wareegeen.
Jamaahiirta Portugal ee soo buux dhaafiyay garoonka xulkooda Portugal ee Estadio do Dragao in Porto ayaa garoonka xamaasad waali ah ka abuuray waxayna Netherlands noqdeen kuwa uu culaysku ku saarmay in ay raadiyaan qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen.
Daqiiqadii 66 aad xulka Holland ayaa u muuqday in ay keensaadeen goolka barbaraha kadib markii uu Memphis Depay darbo madax cajiib ah ku qabtay goolka Porugal kadib markii uu karoos fiican ka helay Van de Beek laakiin goolhaye Patricio ayaa badbaadin cajiib ah sameeyay.
Daqiiqadii 75 aad Tababaraha Portugal ee Fernando Santos ayaa tatikada ciyaarta badalay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Rafa Silva wuxuuna saaray xidiga goolka dhaliyay ee Gonçalo Guedes.
Laakiin Portugal ayaa markan si buuxda u bilaabay in ay difaacasho buuxda sameeyaan markasta oo ay Hollland kubbada haystaan halka marka ay Portugal kubbada dib u helaan ay weeraro deg deg ah ku raadinayeen goolka labaad ee ciyaar dilista.
Daqiiqadii 81 aad Portugal waxaa ciyaarta u soo galay João Moutinho waxaana ciyaarta ka baxay Bruno Fernandes laakiin waxaa Holland markooda la saaray L. de Jong oo aan habeen fiican qaadan waxaana soo galay M. de Roon.
Daqiiqadii 85 aad Portugal ayaa ciyaarta goolka labaad hurdada ugu diri karayay kadib markii uu Guerreiro kubbad la soo galay xerada ganaaxa Holland laakiin cadaadis uu la kulmay ayuu dhulka ku dhacay iyada oo ay ciyaartoyda Portugal rekoodhe ku dooday balse garsooraha ayaan waxba ka soo qaadin.
Xulka Netherlands ayaa si xun ugu liitay weerar ahaan waxayna ku fashilmeen in ay xataa dhibaatooyin badan ku abuuri karaan difaaca Portugal.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 uu xulka Portugal ku garaacay Netherlands iyada oo Gonçalo Guedes uu noqday geesiga xulkiisa Portugal ee koobkan ugu guulaystay.
xigshao laacib

©Wakaaladda Wararka Ee HNN
heemaalnews@gmail.com
La Wadaag Asaxaabtaada Maqaalkan

Noqo Qofkii Ugu Horeyey Ee Ka Faalooda

Ka Jawaab Celi

email-kaaga ma daabici doono.


*