Xulka Qaranka sacuudiga Iyo Taageerayaashooda Oo Diidady In Ay U Aamusaan Daqiiqad Weerarkii London

Ciyaartoyda xulka qaranka Sacuudi Carabiya ayaa iska diida iney saf galaan si loo xuso dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ka dhacay buundada London.

Qaar ka mid ah jamaahiirta iyo ciyaartoyda Sacuudiga ayaa sameeyay qaadicid toos ah kadib markii la wargaliyay iney saf galaan ka hor kulankii ay guuldarada kala kulmeen xulka Australia kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka

Ciyaartoyda qaranka Australia iyo jamaahiirtii martida loo ahaa ayaa sameeyay daqiiqad aamusnan ah si ay u xasuustaan dadkii ku dhibaatoobay weerarkii London ka dhacay sabtidii, balse dhanka xidigaha reer Sacuudi waxey iskululeyn ku sameynayeen garoonka dhexdiisa.

Xitaa ciyaartoyda badalka iyo shaqaalaha qaranka ayaan muujin aamusnaan iyadoo lasoo warinayo in dadka reer Sacuudi ee u daawasho tagay kulanka ay qeylinayeen intii lagu jiray daqiiqadda aamusnaanta.